Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- isagoo dhahaya: "Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".
Hasan/Sound. - Ahmad

Sharaxaad

Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacaddu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.

Benefits from the Hadith

  1. Waa xaaraan in xabaalaha masaajid laga dhigto, waayo arinkaasi wuxuu qofka gaar siinayaa shirki.
  2. Waa xaaraan in salaada qabuuraha lagu tukado xataa hadaan dhismo laga dhisin, waayo masaajid macnihiisu waa meesha lagu sujuudo yaanu dhisnaan bee.
  3. Qofka ka dhigta qabuurta dadka saalixiinta ah masaajid uu ku tukado wuxuu ka mid ahaanayaa dadka ugu sharka badan khalqiga, haba ahaado ujeedkiisu inuu Ilaahay ugu dhawaadee.

Categories

Successfully sent!