Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade Nabiga wuxuu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
Sahih/Authentic. - Ahmad

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uu cariyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.

Benefits from the Hadith

  1. Xadka sharciga ah in la dhaafiyo qubuurta Ambiyada iyo Saalixiintu waxay keenaysaa in Ilaahay sokodi la caabudo, waa waajib in laga digtoonaado asbaabta shirkiga keenta.
  2. Ma banaana in la aado qabuurta iyado la waynaynayo oo agteeda lagu cibaadaysto, sikasta oo uu Ilaahay ugu dhawaa qofka qabriga ku jiraa.
  3. Waa la xarimay in qabuurta laga dul dhiso masaajid.
  4. Waa la xarimay in salaad lagu tukado qabuurta xataa hadaan masjidka loo dhisin salaada janaasada mooye taaso aan weli lagu tukan.

Categories

Successfully sent!