Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha nabiyadooda ayey masaajid ka dhigteen

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka wada raali ahaade waxay yiraaheen: Markuu ku soo dagay Rasuulka Ilahay scw sakaraadka geeridu wuxuu bilaabay inuu wajiga iska saaro cimaamad oo uu lahaa, markuu sakaraadku ku sii kordhana wuu iska qaadaayey, wuxuu yiri isagoo xaaladdaa ku sugan:" Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha nabiyadooda ayey masaajid ka dhigteen" wuxuu ka digay waxay sameeyeen.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaade waxay ka sheegan in markii Rasuulka Ilahahay uu ku dhacey sakaraadku, uu bilaabey inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladdaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha nabiyadooda masaajid, haduuna arinkaasi khatar wayn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye- ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil yuhuud iyo nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.

Benefits from the Hadith

  1. Waa la reebay in laga yeesho qubuuraha Nabiyada iyo saalixiinta masaajid lagu tukado, waayo ariinkaasi wuxuu horseedayaa shirki.
  2. Rasuulku scw wuxuu ahmiyad wayn siiyey ilaalinta tawxiidka, iyo cabsida uu ka qabay waynaynta qubuuraha, waayo arrinkaasi wuxuu keenayaa Ilaahay oo loo shariig yeelo.
  3. Waa wax banaan in la lacnado yuhuudda iyo nasaarada iyo cid kastoo samaysa waxa ay sameeyaan ee ah qabuuraha oo la dhiso, masaajid.
  4. Disitaanka qubuuruhu waa dhaqan yuhuud iyo nasaaro, xaddiiskana waxaa ku jira inay reebban tahay isku ekaysiintoodu.
  5. oo looga ekaado xagga dhisitaanka qabuuraha iyo masaajid ka dhigashadooda, ama ula jeesiga salaadda xaggeeda yaana masaajidba laga dhisine.

Categories

Successfully sent!