qor Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaade wuxuu yiri: Waxaan qori jiray wax kasta aan ka Rasuulka ka maqlo scw anoo raba inaan xifdiyo, waxaa iidiiday arinkaa quraysh, waxayna i dheheen: ma waxaad Rasuulka ka qoraysaa wax kasta oo aad ka maqasho, Rasuulkuna scw waa bashar oo caro iyo caro la'aanba wuu hadlayaa?, waan joojiyey qoraalkii, waxaanan u sheegay Rasuulka scw, wuxuu afka ku fiiqay fartiisa, wuxuuna yiri: "qor Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane."
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Sharaxaad

Cabdullaahi Binu Camar wuxuu yiri: Allaha ka raali ahaade waxaan ka qori jiray Rasuulka scw wax kastoon ka maqlo, si aan qoraalka ugu xifdiyo, rag quraysh ka mida ayaa iidiiday, waxay idheheen: Rasuulku waa bashar oo wuu hadlayaa isago caraysan ama faraxsan wuuna gafi karaa ee ka jooji qoraalka. Nabiga scw ayaan u sheegay waxay igu dheheen ragaasi, wuxuuna ku ishaaray fartiisa Nabigu scw afkiisa, wuxuuna yiri: qor, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee waxan xaq ahayni kama soo boxo xaalad walbee, caro iyo caro la'aanba. Ilaahay sareeye wuxuu ka yiri Nabigiisa scw: "Nabigu hawadiisa kama hadlo * ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo wax yooday" [suurada anajm 3-4].

Benefits from the Hadith

  1. Nabigu scw, macsuum ayuu ku yahay diinta Rabigiis uu ka gaarsiinayo dadka, markuu ku jiro caro iyo faraxba.
  2. Asaxaabtu aad bay ugu dadaali jireen ilaalinta iyo xifdinta sunada Rasuulka scw iyo gaarsiinteeda.
  3. Dhaartu way banaan tahay marka aanad u dhaaranayn wax dan ku jirto, sida adoo adkaynaya arin.
  4. Cilmiga oo la qoro waa asbaabta ugu muhimsan ee lagu xifdiyo cilmiga.

Categories

Successfully sent!