Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa yiri: "Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qofka si ula kac ah been uga sheega hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu aakhiro ku leeyahay meel uu naarta ka fariisto, iyadoo looga abaal marinaayo beentii ka sheegay Nabiga scw.

Benefits from the Hadith

  1. Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- oo si bareera been looga sheego waxay sabab u tahay in naarta la galo.
  2. Nabiga scw oo been laga sheego la mid ma'aha been dadka kale laga sheegay, waayo waxaa ku jira fasaad wayn aduun iyo aakhiroba.
  3. Waxaa laga digayaa in la faafiyo Axaadiista inta aan la hubsan inay sax tahay in Nabiga scw ay ka sugnaatay iyo in kale.

Categories

Successfully sent!